Ciribtirka Caqabadaha Lahaanshaha Ganacsiga

CEI waxay ka shaqeysa inay gacan ka geysato samaynta mustaqbal wanaagsan dadka ku nool Maine iyo meelaha miyiga ah. Waxay tan ku gaadhaan iyagoo isku daraya kaalmada maaliyadeed, khibrad ganacsi, iyo fikrado siyaasadeed oo si wanaagsan loo qaabeeyey oo lagu dhiirigelinayo hawlgal caddaalad ah oo xagga dhaqaalaha ah.

 

Midan waxaan ku samaynaa anagoo bixinayna:

  • talo bilaash ah oo ku saabsan sida loo bilaabo ama loo kobciyo ganacsi
  • deymo ganacsi oo ku habboon baahiyahaaga iyo qiyamkaaga
  • waxbarashada ama la-talin ku saabsan noqoshada qof guri gata/mulkiile guri

Waxaan si joogto ah ula shaqeynaa dad aan ku hadlin Af Ingiriisiga waxaana jiro adeegyo tarjumaan oo bilaash ah oo la heli karo haddii la codsado. 

Fadlan dib u eeg adeegyada aan bixino ee hoos ku qoran oona buuxi foomamka soo socda,  si aan kuula soo xiriirno si aan kuu caawino. 

Sidee ayaan Kuu caawin Karnaa?

CEI Business Advising Application

Thank you for requesting free, confidential business advising at CEI.   


We are able to offer our business advising at no cost to you thanks to the generous support of various funders and supporters, including the U.S. Small Business Administration. 


These funders require us to collect a wide range of demographic and business information, which we ask for on this application form. 


We keep all information completely confidential within CEI and report it only in aggregate.  CEI never sells, shares, or otherwise distributes personal information without your explicit written consent.  


Completing this form is not a guarantee you'll receive business advising through CEI. We have limited capacity and often refer to other organizations to provide technical support, when we believe the applicant would be better served elsewhere. 


We’ll be in contact within 3 – 5 business days to respond to your request. 

To start the advising application process, we need to check whether we already have a record of you in our system. Please enter your email address in the field below, then click on Submit.


Need help filling out this form?
Besoin d'aide? ¿Necesitas ayuda? Ma u baahan tahay caawimo?  بحاجة الى مساعدة؟ 
Email bds@ceimaine.org or call 207-751-0442.


La-talin Ganacsi

Fasiraada iyo Turjumaada waa la heli karaa marka la codsado

Waxaa loogu talagalay Soogalootiga & Qaxootiga

Waxaan caawinnay dadka u soo guuray Maine ee ka kala yimid in ka badan 100 waddan oo kala duwan si ay u adeegsadaan xirfadahooda iyo waayo-aragnimadooda si ay u bilaabaan una maamulaan ganacsigooda. Aan kaa caawino inaad bilowdo ama kobciso ganacsigaaga Maine sidoo kale.  

Loogu talagalay Haweenka:  Xarunta Ganacsiga Haweenka*/Women’s Business Centers

Kooxdeena aqoonta iyo saaxiibtinimada leh ayaa kaa caawin doona inaad kobciso xirfadahaaga ganacsi oo aad dhisto kalsoonidaada, haddii aad tahay ganacsade hammi leh ama mid khibrad leh. *Fahamka CEI ee haweenka iyo dheddigga ayaa dhaafsiisan kaliya dumarka qaba jinsiga ay ku dhasheen. Waxaa ka mid ah dumarka jinsiga beddelan, iyo sidoo kale dumarka dumar kale la galmooda, dheddig, qofaan jinsigiisa la aqoonin, ama qof aan jinsiba lahayn. 

Shaybaarka Ganacsiga Xannaanada Carruurta (Child Care Business Lab)

Waligaa maku fikirtay inaad bilowdo ganacsiga daryeelka caruurta mana garan wayday sida loo bilaabo? Barnaamijkeena lixda bilood ah ee bilaashka ah waxa uu isku daraa barashada bilaabida ganacsi yar, hagida bixinta adeegyada xanaanada caruurta oo heer sare ah, iyo taageerada shaqaaleysiinta iyo tababarida inta lagu jiro nidaamka shati qaadashada. Waxaan kulan u qabanaa kooxo ku hadla luqado aan Af Ingiriisi ahayn marka uu jiro codsi.  

Maalgelinta Ganacsiga

Turjumaad ayaa la heli karaa marja la codsado

Waxaa turjumaanay dukumentiyo dhawr ah si ay kaaga caawiyaan inaad fahanto hannaanka deyn bixinta CEI. Eeg ikhtiyaarrada amaahda gaarka ah ee hoos ku taxan ahna codsiyada la turjumay. 

Daymaha degdega lagu helo ee yar oona la siiyo ganacsiyada cususb (Wicked Fast Microloans)

Ma waxaad u raadinaysaa lacag si sahlan loo heli karo ganacsigaaga, oo leh hanaanka loo codsado oo degdeg ah? Wicked Fast Loans keena waxay siisaa ilaa $15,000 ganacsiyada bilawga ah iyo ilaa $30,000 ganacsiyada sii jiray, iyadoona go’aan lagu gaaro in dhan 3 maalmood oo maalmaha shaqada ah. 

Amaah Ganacsi – Amaah ganacsi ilaa $1 milyan ah

Hel lacagta caddaanka ah ee aad u baahan tahay si aad uga caawiso ganacsigaaga inuu kobco. Ma ku cusub tahay hanaanka loo codsado deyn ganacsi, mise hore ma laguu siiyay jawaab ah “maya”? Amaah bixiyayaasheena saaxiibtinimada iyo aqoonta leh, lataliyayaasha ganacsiga iyo la-taliyayaashayada amaahda ayaa halkan u jooga inay kaa caawiyaan inaad guulaysato. 

Amaah Ganacsi “Riba Free”

Waxaan fahamsanahay in la’aanta doorashooyin maaliyadeed oo ku filan oo ku habboon mabdi’da maaliyadeed ee Islaamka ay xaddidi karto awooddaada inaad bilowdo ama ballaariso ganacsigaaga. Shakhsiyaadka maamulaya ganacsigooda, waxaanu siinaa doorasho ka duwan. Halkii ay kugu uruuri lahayd dulsaar bil kasta, waxaan leennahay khidmad maamul oo go’an bishii oo ku saleysan qaddarka deynta iyo muddada.

CEI waxa ay aaminsantahay in alaabtan leh khidmadda go’an ay waafaqsan tahay mabaadi’da maaliyadda Islaamka oo ay la mid tahay noocyada kale ee aan baarnay. Waxaan ogsoonahay inay jiraan dalal iyo gobollo badan oo adduunka ah oo si kala duwan u fasira shareecada Islaamka, markaa fadlan xor u noqo inaad dib u eegto masaajidka xaafaddaada, imaamkaaga ama xubnaha kale ee bulshada.

Waxbadan ka ogoow (English)

Iibsade guri/Mulkiile guri

Fasiraada iyo Turjumaada waa la heli karaa marka la codsado

A black business woman smiles as a white man in glasses hands her a signed document

Kooxdeena taageerada leh waxay siisaa macluumaad lagu kalsoonaan karo shakhsiyaadka iibsanaya gurigoodii ugu horreeyay, kuwa raba inay noqdaan hantiilayaal, waayeelka xiisaynaya Dib uga gadashada Guriga deyn bixiyaha ama “Dib uga gadashada guriga Deyn bixiyaha” iyo mulkiilayaasha guryaha ee la tacaalaya dhibaatooyinka bixinta amaahda guryaha iyo/ama suurtogalnimada in lagala wareego guryaha. Waxyaabaha aan bixino oo dhan wa kuwo lacag la’aan ah oona qarsoodi ah.

Waxbadan ka ogoow(In English)